Shirka arrimaha shidaalka ee Soomaaliya oo ka furmaya London, iyadoo shaki uu jiro

HomeWararka

Shirka arrimaha shidaalka ee Soomaaliya oo ka furmaya London, iyadoo shaki uu jiro

Shirka caalamiga ee lagu soo bandhigayo shidaalka Soomaaliya iyo baaritaano ay sameeyeen hay'ado caalami ah ayaa lagu wadaa inuu maanta  uu ka furmo L

Caawa & Daljir iyo Maxamuud Cabdi Ibraahim (MCI), Daljir Bossaso (dhegayso)
Warka Fiidnimo, Ayaanle Cabdulaahi Jaamac, Daljir Caabudwaaq (dhegayso)
Madaxweyne Deni: “Banaanbaxyadii Garoowe ka dhacay Waa mid Sumcada lagaga dilayo Puntland” (Daawo)

Shirka caalamiga ee lagu soo bandhigayo shidaalka Soomaaliya iyo baaritaano ay sameeyeen hay’ado caalami ah ayaa lagu wadaa inuu maanta  uu ka furmo London.

Shirkan ayaa waxaa soo qabanqaabiyay wasaaradda batroolka ee dowladda faderaalka Soomaaliya, shirkado caalami ah oo shidaalka baara iyo khuburo.

Dadka Soomaaliyeed ayaa shaki wayn ka qaba shirkan, iyadoo hadalhanta mucaaradka iyo shacabku yahay in la doonayo in la xaraasho shidaalka Soomaaliya, inkastoo dowladda faderaalka Soomaaliya ay beenisay.

50 xirmo oo ku fadhiya dhul dhan 173,000 km  ayaa la filayaa in shirkaan lagu soo bandhigo.

Dowladda Ingiriiska ayaa ka mid ah dowladaha tartanka ugu jira khayraadka Soomaaliya gaar ahaana shidaalka iyadoona horayay shirar kalle duwan u qabatay oo ku saabsan shidaalka Soomaaliya.

 

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: