Dad ku dhintay dhisme kusoo dumay wadanka Turkiga

Dad ku dhintay dhisme kusoo dumay wadanka Turkiga

Shaqaalaha gurmadka ee Turkiga ayaa magaalada Istambuul ilaa iyo xalay ka wada baadi goobka dad uu kusoo dumay dhisme sideed dabaq ah oo burburay.

Ku dhowaad laba qof ayaa geeriyooday, todobo kallena waa ay ku dhaawacmeen, waxaana la qabaa baqdin ah inay jiraan dad ku hoos jira dhismaha burburay hoostiisa degmada Kartal.

Dhismahan ayaa waxaa deganaa 43 qof, waxaana uu ka koobnaa 14 deegaan, sida uu sheegay guddoomiyaha magaalada Istambuul Ali Yerlikaya.

Wali macadda sababaha dhaliyay masiibadan.

Sida uu sheegay guddoomiyaha gobolkan sadex dabaq oo sharci darro ah ayaa lagu kordhiyay dhismahan.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com