Madaxwaynihii hore Zimbabwe oo lagu abaal marinayo $10m

HomeWararka

Madaxwaynihii hore Zimbabwe oo lagu abaal marinayo $10m

Madaxwaynihii wadanka Zimbabwe mudada ku dhowaadka afartanka sano soo maamulayay ayaa helaya lacad dhan toban milyan oo doolar oo lagu abaal marinayo

Drs Xaawo Cabdi oo ku geeriyootay Magaaladda Muqdisho
Khilaafka labada Aqal ee Soomaaliya muxuu salka ku hayaa? ( Faalo)
Warka Arooryo iyo Maxamed Lakiman, Daljir Gaalkacyo (dhegayso)

Madaxwaynihii wadanka Zimbabwe mudada ku dhowaadka afartanka sano soo maamulayay ayaa helaya lacad dhan toban milyan oo doolar oo lagu abaal marinayo go’aankii uu qaatay ee xilka uu kaga dagay iyo mushaar joogto ah tan iyo inta noloshiisa ka hartay.

Mugabe iyo xaaskiisa Grace ayaa soo dhoweyn kala kulmay xukuumadda talada wadanka Zimbabwe la wareegaysa, taasi oo qayb ka ah heshiiskii lala galay kahor inta uu go’aansan inuu xilka ka dego.

 Wargayska The Guardian ayaa sheegay inkastoo oo aanay cadayn lacagta dhabta ah ee la siinayo hadana sarkaal sare oo katirsan xisbiga talada haya ayaa laga soo xigtay inuu dhacay wada xaajood sheegaya in abaal marin ahaan loo siiyo Mugabe lacag aan ka yarayn toban milyan oo doolar.
 Sarkaalka ayaa sidoo kale intaasi ku daray Mugabe oo xilka wareejiyay inuu codsaday inuu si nabad galyo ah dalkiisa uu u joogo isaga iyo qooyskiisa, iyadoo aan wax dacwad ah lagu soo oogin, lana faragelin ganacsigiisa gaarka iyo bilaha soo socda in si degdeg ah lagu siiyo lacag dhan shan milyan oo doolar.
 Mugabe oo 93-jir ah ayaa sidoo kale loo qorsheeyey in lasiinayo mushaar joogto ah oo dhan boqol iyo konton kun oo doolar ilaa uu ka geeriyoonayo, halka xaaskiisa Grace ay heli doonto kala bar lacagta Mugabe uu qaadanayo inta nolosheeda ka hartay.
Madaxwaynihii hore ee Zimbabe Robert Mugabe iyo xaaskiisa ayaa sidoo kale sii joogaidoona Blue Roof oo katirsan magaalada Haraare, dowladda ayaana bixinaysa dhamaan adeegyadooda caafimaad, shaqaalahooda, ammaankooda iyo safaradooda dibadda ah.
Mugabe oo wadanka Zimbabwe xukumayay ayaa wadankiisa kaga tagaya lacag aan tayo lahayn, dayman, shacab sabool ah, iyadoona heerka shaqo la’ aanta ka jirta dalkaasi ay gaartay 80%, wadooyinka ayaa sidoo kale xun, shacab badana oo miyiga dalkaasi ku nool ma helaan adeeg koronto, waxbarasho iyo adeegyo caafimaad.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: