Maamulka Ahlu Suna ee gobolada dhexe oo ka hadlay shirka Galmudug

Maamulka Ahlu Suna ee gobolada dhexe oo ka hadlay shirka Galmudug

Maamulka Ahlu Suna ee gobolada dhexe ayaa sheegay inuu jiro qorshe wada hadal oo ay garwadeen ka yihiin urur goboleedka IGAD oo ka furmaya wadanka Jabuuti oo lagu dhamaynayo khilaafka Galmudug iyo maamulkooda Ahlu Sunah.

Madaxwaynaha maamulka gobolada dhexe ee Ahlu Sunah Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo ku sugan magaalada Nairbi ayaa waraysi uu siiyay warbaahinta waxaa uu ku sheegay shirkaasi inuu ka furmayo wadanka Jabuuti diiraddana lagu saarayo khilaafka gobolada dhexe iyo sidii maamul midaysan ay u yeelan lahaayeen.

Waxaa uu sheegay in sidoo kale ay kulan horudhac ah ay la yeesheen madaxwaynaha Galmudug Axmed Ducaalle Gelle Xaaf.

Maamulada iska soo horjeeda ee gobolada dhexe ee dalka ee ku loolamayay sanadihii lasoo dhaafay ayaa dib u dhac ku keenay bulshada deegaanadaasi oo inta badan ka cawda ammaan xumo iyo adeegyadii bulshada oo aan jirin.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com