Madaxwayne Farmaajo oo magacaabay guddoomiyaha maxkamadda racfaanka iyo Banaadir

HomeWararka

Madaxwayne Farmaajo oo magacaabay guddoomiyaha maxkamadda racfaanka iyo Banaadir

Madaxwaynaha Dowladda Faderaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa soo saaray wareegto uu ku magacaabayo guddoomiyayaasha  maxkamadda racfaa

Caawa & Daljir iyo Khadar Cawl Ismaaciil, Daljir Buuhoodle (dhegayso)
MAXAA LAGA FILAN KARAA MAANTA, MAXKAMADA CADAALADA EE ADDUUNKA ICJ? (daawo)
Golaha Amaanka iyo Nabadda Midowga Africa oo ka Hadlay Khatarta Alshabaab

Madaxwaynaha Dowladda Faderaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa soo saaray wareegto uu ku magacaabayo guddoomiyayaasha  maxkamadda racfaanka ee dalka iyo gobolka Banaadir.

Wareegtada ayaa xilka Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir waxaa loogu magacaabay Garyaqaan Muuse Macallin Maxamed oo muddo ka soo shaqeynayey Garsoorka dalka, sidoo kalena ku takhasusay Shareecada iyo Qaanuunka, halka Garyaqaan Abshir Cumar Cabdullaahi oo aqoon durugsan u leh Shareecada iyo Qaanuunka loo magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa isla wareegtadan waxa uu xilalkii kaga qaaday Guddoomiyeyaashiii hore ee Maxkamadda Gobolka Banaadir iyo Maxkmadda Racfaanka Gobolka Banaadir Mudane Aweys Sheekh Cabdullaahi Weheliye iyo Mudane Saalax Sheekh Ibraahim Dhiblaawe.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: