Site icon Radio Daljir

Madaxwayne Farmaajo oo magacaabay guddoomiyaha maxkamadda racfaanka iyo Banaadir

Madaxwaynaha Dowladda Faderaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa soo saaray wareegto uu ku magacaabayo guddoomiyayaasha  maxkamadda racfaanka ee dalka iyo gobolka Banaadir.

Wareegtada ayaa xilka Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir waxaa loogu magacaabay Garyaqaan Muuse Macallin Maxamed oo muddo ka soo shaqeynayey Garsoorka dalka, sidoo kalena ku takhasusay Shareecada iyo Qaanuunka, halka Garyaqaan Abshir Cumar Cabdullaahi oo aqoon durugsan u leh Shareecada iyo Qaanuunka loo magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa isla wareegtadan waxa uu xilalkii kaga qaaday Guddoomiyeyaashiii hore ee Maxkamadda Gobolka Banaadir iyo Maxkmadda Racfaanka Gobolka Banaadir Mudane Aweys Sheekh Cabdullaahi Weheliye iyo Mudane Saalax Sheekh Ibraahim Dhiblaawe.

Exit mobile version