Madaxwaynaha Soomaaliya oo saakay ku wajah degmo katirsan gobolka Mudug

HomeWararka

Madaxwaynaha Soomaaliya oo saakay ku wajah degmo katirsan gobolka Mudug

Madaxwaynaha dowladda faderaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa saakay oo Axad ah kusii jeeda degmada Hobyo ee xeebta ah oo dhacda koonfu

Saaka & Dunida iyo cXakiin Xuseen Xasan, Daljir Garoowe (dhegayso)
QABRIDAHAR: maxaa ka taqanaa tariikhda faca weyn ee magalada qabridahar?
Tababar Garoowe uga furmay Guddiga Waxda Fayadhowrka Puntland (dhegayso)

Madaxwaynaha dowladda faderaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa saakay oo Axad ah kusii jeeda degmada Hobyo ee xeebta ah oo dhacda koonfurta gobolka Mudug.

Wafdiga madaxwaynaha ayaa waxaa ka mid ah madaxwaynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf, Sheekh Axmed Shaakir oo ah madaxa xukuumadda Galmudug iyo saraakiil kale.

Ujeedka socdaalkooda ayaa waxaa uu yahay ogaanshiyaha xaaladda deegaanadaasi , waxaana soo dhowayn laga dareemayaa degmada Hobyo ee gobolka Mudug.

Degmada Hobyo ayaa horay waxaa uga socotay dadaal lagu doonayay in lagu hirgaliyo dhismaha deked ay yeelato degmada, taasi oo uu isticmaalo maamulka Galmudug.

Madaxwaynaha ayaa shalay kormeer ku tagay deegaanada Xeraale, Balanbal iyo Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud.

 

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: