Ciidamada nabad sugidda qaranka oo la wareegay ammaanka xarunta maamulka ee gobolka Banaadir

HomeWararka

Ciidamada nabad sugidda qaranka oo la wareegay ammaanka xarunta maamulka ee gobolka Banaadir

Ciidamada nabad sugidda ee NISA ayaa la wareegay ammaanka xarunta Vissio Governo ee uu ku shaqeeyo maamulka gobolka Banaadir, halkaasi oo xalay xaflad

Warka Fiidnimo, Maxamed Lakiman, Daljir Boosaaso (dhegayso)
AXMED MADOOBE OO BAAQ UDIREY SHAQAALAHA RAYIDKA AH EE JUBALAND
Saadaalihii Roob, dabyalo iyo haatan xaalku sida uu yahay (daawo)

Ciidamada nabad sugidda ee NISA ayaa la wareegay ammaanka xarunta Vissio Governo ee uu ku shaqeeyo maamulka gobolka Banaadir, halkaasi oo xalay xaflad lagu qabtay lagu sheegay in guddoomiyaha gobolka Banaadir ee muddo labo sano ah loogu doortay Taabid Cabdi.

Wararka ayaa sheegaya ciidamada nabad sugidda inay la wareegeen ammaanka si’ay uga hortagaan dhibaatooyin ka dhaca xarunta oo ay ka mid tahay is-qabqabsi maamul.

Taabit Cabdi ayaa la sheegay xalay inuu muddo laba sano ah loo doortay guddoomiyaha gobolka Banaadir, Taabit waxaa horay uu ugu yimid xilka magacaabis madaxwayne, balse khilaaf ka dhashay dhulal uu iibiyay oo madaxwaynuhu mamnuucay in la gado hantida qaranka ayaa sababay inuu xilkiisa ku waayo.

Madaxwaynaha ayaa maanta xilka u magacaabay wasiir Cabdiraxmaan Yariisoow guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo sidoo kale duqa magaalada Muqdisho.

 

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: