Madaxwaynaha dowladda faderaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa saakay oo Axad ah kusii jeeda degmada Hobyo ee xeebta ah oo dhacda koonfurta gobolka Mudug.

Wafdiga madaxwaynaha ayaa waxaa ka mid ah madaxwaynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf, Sheekh Axmed Shaakir oo ah madaxa xukuumadda Galmudug iyo saraakiil kale.

Ujeedka socdaalkooda ayaa waxaa uu yahay ogaanshiyaha xaaladda deegaanadaasi , waxaana soo dhowayn laga dareemayaa degmada Hobyo ee gobolka Mudug.

Degmada Hobyo ayaa horay waxaa uga socotay dadaal lagu doonayay in lagu hirgaliyo dhismaha deked ay yeelato degmada, taasi oo uu isticmaalo maamulka Galmudug.

Madaxwaynaha ayaa shalay kormeer ku tagay deegaanada Xeraale, Balanbal iyo Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud.

 

Leave a comment

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *