HomeUncategorized

Madaxda wasaarada warfaafinta Puntland iyo maamulka daljir oo manata ku shiray Garoowe (Dhegeysi)

Garoowe, September 12, 2013 - Waxaa maanta xarunta Radio Daljir ee Garoowe ku qabsoomay shir ay wadaqaateen wasiiradda warfaafinta iyo maamul-wanaaga madaxtooyada Puntland iyo madaxda Radio Daljir.

Dhagayso Barnaamijka Subaxnimo ee Saakay iyo Dunida May – 04 – 2016 Wariye Maxamuud Cabdi Ibraahim
Madaxweyne Gaas oo Shahaadooyin Gudoonsiyay Arday Dhamaysatay Maamulka iyo Maaliyadda
Idaacaddii Radio Gaalkacyo oo albaabadu la isugu dhuftay, iyo agaasimihii idaacaddaas C/llaahi Xirsi Cadde oo lagu xiray saldhiga dhexe ee magaalada Gaalkacyo.

Garoowe, September 12, 2013 – Waxaa maanta xarunta Radio Daljir ee Garoowe ku qabsoomay shir ay wadaqaateen wasiiradda warfaafinta iyo maamul-wanaaga madaxtooyada Puntland iyo madaxda Radio Daljir, kaaso oo ku saabsanaa is xog-waraysi guud iyo sidii ay u wadashaqayn-lahaayeen xukuumadda Puntland iyo idaacadda Daljir.

Kulanka waxaa soo xaadiray wasiirka warfaafinta isgaarsiinta hidaha iyo dhaqanka dawladda Puntland Axmed Shiikh Jaamac, wasiir-kuxiggeennadiisa kale ah Cabdullaahi Faarax Aswad, Cabdiraxmaan Cabdi Ismaaciil iyo wasiiru-dawlaha maamul-wanaaga madaxtooyada Puntland Maxamed Faarax Ciise Gaashaan.

Shirkaan oo intii uu socday aad loogu falanqeeyay sidii loo samayn lahaa wadiiqo iyo dhabbo ay ku wadashaqeeyaan Radio Daljir iyo dawladda, ayaa waxaa lagu soo bandhigay caqabadaha ka taagan wada-shaqaynta iyo tabashooyin ay soo jeediyeen 2-da dhinacba.

Wasiirka maamul-wanaaga Puntland Maxamed Faarax Ciise (Gaashaan) oo shirka ka hadlay ayaa yiri ? Wada-hadalkii maanta dhacay waa arin dowladnimo ah, waana arin maamul wanaag in ay is xog waraystaan madaxda wasaarada iyo hay?adaha warbaahinta, waana nasiib wanaag in maanta lagu soo hormaray radio Daljir, Is afgarad iyo heshiis ayaa goobta ka dhacay.?

Wasiirka warfaafinta ee Puntland Axmed Sheikh Jaamac ayaa isna kulanka ka jeediyey hadal kooban, wuxuu sheegay in is-afgarad iyo heshiis uu ku dhamaaday wada-hadalkii madaxda Daljir iyo wasiirada, wasiirka ayaa sheegay in kormeerkooda idaacadaha sii wadi doonaan, wuxuuna u mahad-celiyey idaacada daljir.

Tafaftiraha idaacada Daljir Cabdifataax Cumar Geedi oo gunaanadkii shirka hadal ka jeediyey, ayaa u mahad-celiyey madaxda wasaarada warfaafinta iyo wasiirka maamul wanaaga oo isna shirka qeyb ka ahaa, Geedi ayaa xusay in loo wada-hadlay si laab xaarnaan ah, iyadoo la isla afgartay in wax kasta dhinaca wanaagsan laga raaco wada-shaqeynta la sii wado.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

\"\"

\"\"

\"\"

\"\"

\"\"

\"\"

\"\"

DHEGEYSO:- Tafaftiraha idaacada Daljir Abdifataax Geedi ?oo ka hadlaya heshiiska Daljir iyo warfaafinta

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: