Madaxweynaha Jubba oo maanta qarax is-miidaamin ah ku dhaawacmay iyo khasaaraha oo sii kordhaya

Kismaayo, September 12, 2013 – Xaalada magaalada Kismaayo ayaa kacsan kadib Qarax xoog leh oo goor barqadii maanta ah ka dhacay halkaas, qaraxa ayaa lala eegtay madaxweynaha maamulka KMG ah ee Jubba Axmed Maxamed Islaam (Madoobe).

Isgaarsiinta magaalada Kismaayo ayaa la gooyey balse wararka aan helayno waxay sheegayaan in weerarka ay ku dhinteen 10 ruux oo ka mid ah dadkii ka ag-dhowaa goobta uu qaraxa ka dhacay, khasaaraha dhaawaca ilaa hadda lama xaqiijin.

Illaalada Axmed Madoobe ayaa u badan dhaawaca, sidoo kale dadka dhintay ayey qeyb ka yihiin sida ay sheegayaan wararka horudhaca ah, balse rayid badan ayaa goobta ku le?day.

Madaxweynaha maamulka Jubba Axmed Madoobe ayaa isna dhaawac ka soo gaaray qeybta kore ee jirkiisa, in kastoo aan la hayn xaqiijin dheeraad ah, ?balse warar ayaa sheegaya in haatan lagu dabiibayo cisbital ku yaala garoonka oo ay leeyihiin AMISOM.

Wararka laga helayo Kismaayo ayaa sheegaya in naftii hure watay gaari laga buuxiyey waxyaabaha Qaraxa uu weerarka fuliyey, isagoo isku qarxiyey gaariga uu saarnaa Madaxweynaha maamulka KMG ah ee Jubba oo maanta ku laabtay Kismaayo.

Xaalada magaalada ayaa kacsan xili Bandow ayaa lagu soo rogay, waxaana si buuxda hawada looga saaray qalabka isgaarsiinta oo idil, waa markii ugu horeysay oo weerar noocaan ah lala eegto Axmed Madoobe madaxweynaha Jubba.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com