Madaxweyne Gaas oo Shahaadooyin Gudoonsiyay Arday Dhamaysatay Maamulka iyo Maaliyadda

Talaado, December 29, 2015 (Daljir) — Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Maanta 29-Dec-15 Jaamacadda Bariga Afrika kaga qayb qalay xaflad shahaadooyin lagu guddoonsiinayey arday ka kala tirsan Jaamacadaha Bariga Afrika iyo PSU kuwaas oo  dhammaysatay Aqoonta Maamulka iyo Maaliyadda oo dhammaantood ka-tirsan  shaqaalaha Dawladda Puntland.

Barnaamijkan  ardayda lagu barayo Maamulka iyo maamliyadda ayaa waxaa  iska kaashaday Jaamacadda Bariga Afrika,Jaamacadda PSU, Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland, Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha Puntland iyo Bangiga Adduunka waxaana uu salka ku hayey ballan qaadkii Madaxweynaha Dawladda Puntland ee ah tayaynta iyo dib u-habaynta shaqaalaha Dawladda Puntland.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali ayaa ku tilmaamay barnaamij kani inuu qayb kayahay isbedelkii lagu samayn lahaa  shaqada iyo shaqaalaha maadaama maanta maaliyaddi ama dhaqaalihi uu  yahay midka tayaynta lagu sameyey.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali ayaa xusay ujeedada uu kaleeyahay tayaynta iyo isbedelka lagu samaynayo shaqada iyo shaqaala oo kamid ahaa ballan-qaadyadii uu hore ugalay madaxweynuhu in ay sal u ahaayeen labo arrimood.

“labo waxyaabood ayaa aas-aas u ahaa barnaamijkan mid waxa weeyaan Shaqaalihii saxda ahaa in uu joogo meeshii saxda ahayd, tan kalena waxaa weeye in shaqalaaha qofkii loo baahan yahayna uu joogo kii aan loo baahnayn  oo baaskaa uu joogo aan ku haboonaynina uu baneeyo si kan shaqaynayaa uu xuquuqdiisa u helo”ayuu yiri madaxweyne Dr. Gaas.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xusay shaqaale cusub oo ay qaadanayso Dawladda Puntland waxaana uu Madaxweynuhu cadeeyey shaqooyinkaa in loo geli doono tartan furan oo caddaalad ku dhisan.

“hadda shaqooyin ayaa lasoo dhejiyey 60-kii qof ee ugu horeeyey baana lasoo dhejiyey waxaan idiin sheegayaa 60-kaas qof in ay tartan furan oo caddaalad ah ku helayaan shaqooyinkaas, waxaa kujira kuwo aniga xafiiskayga loo qaadanayo, xafiiskayguna Tusaale ayuu u noqon doonaa dadka laqaadanayo,  si guudna waan idiinku sheegayaaye qof aniga codsi iigu imaan karaa majiro hadeerba ogaada sababtoo ah aniga waxa wax itari karaa waxa weeye qofkii saxda ahaa taga meeshii saxda ahayd”

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali ayaa intaasi kadib ardayda guddoonsiiyey  shahaadooyin iyo abaal marino loogu talo galay iyadoo ay ardayda qalin jebiyey kamid ahaayeen sadexdii qof ee Soomaaliya ugu sareeyey Aqoonta Maamulka iyo Maaliyadda, sidoo kale Maamulka Jaamacadda Bariga Afrika ayaa Shahaado Sharaf guddoonsiiyey Madaxweynaha Dawladda Puntland iyo Wasiirka Maaliyadda Dawladda Puntland.

 

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com