HomeUncategorized

Idaacaddii Radio Gaalkacyo oo albaabadu la isugu dhuftay, iyo agaasimihii idaacaddaas C/llaahi Xirsi Cadde oo lagu xiray saldhiga dhexe ee magaalada Gaalkacyo.

Caption ...

DHAGAYSO: Barnaamijkii Saaka iyo Dunida _Khamiis_01
Agaasimaha wasaarada warfaafinta Puntland oo ka xog waramay shuruuc cusub oo hagi doonta saxaafada Puntland. [Dhegaysi …]
Xulka Bari oo 2-0 kaga guulaystay J. Dhexe, iyo Sh. Dhexe oo 4-3 ku carraabiyey Bakool.

Gaalkacyo, Dece, 20 ? Waxaa maantay albaabada la isugu dhuftay idaacaddii Radio Gaalkacyo, waxaana sidoo kale saldhiga dhexe ee magaalada Gaalkacyo lagu xiray agaasimihii idaacaddaasi mudane C/llaahi Xirsi Cadde.

C/llaahi Xirsi Cadde agaasimaha Radio Gaalkacyo ayaa isagoo ku sugan saldhiga waxaa uu u waramaya Radio Daljir, waxaana uu tilmaamay xariga loo gaystay isaga iyo idaacaddii Radio Gaalkacyo inuusan ahayn mid uu faah-faahin ka hayo, balse loo sheegay oo qura inay soo dacweeyeen guddiga nabad-galyada gobolka Mudug.

Agaasime C/llaahi Xirsi Cadde ayaa mar uu ka hadlaayay sida uu xarigaan ula kawsaday waxaa uu yiri ?Shalay ayaa la isoo wargaliyay, waxaana la iisheegay in la iiga baahanyahay saldhiga, dabadeedna markii aan saakay imid saldhiga ayaa la iisheegay inaan xiranahay, waxaana sidoo kale albaabada la isugu dhuftay idaacaddii xilli ay hawada ku jirtay, ma garanaayo sababta dhabta ah ee ka dambaysa xiriga idaacadda, mana jirto warar lidi ku ah nabad-galyada oo ay idaacaddu sii daysay?.

Waa markii ugu horeeyay oo guddiga nabad-galyadu ay xiraan idaacad ku taala magaalada Gaalkacyo iyo agaasimaheeda, waxaana Radio Gaalkacyo ay ka mid ahayd idaacaddaha inta badan ka hadla wacyigalinta nabad-galyada.

Diiwaanka Wararka
Radio Daljir.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: