HomeUncategorized

11 qof ayaa ku geeriyootay duqayn diyaaradeed oo ka dhacday Jubada Hoose.

Kismaayo,Dec,21 -Wararka ka imaanaya gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in duqaymo dhinaca cirka ah in loo gaystay galinkii dambe ee shalay deegaanka Hoosingow oo 170km dhinaca galbeed kaga beegan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose.

DHEGEYSO-Webiga Shabeelle oo cunay laba ruux oo beeraleey ah.
Dhegayso: Khudbadii Madaxweynaha Jubbaland ka jeediyey xarunta Madaxtooyada Puntland
Waxgaradka Caluula oo codsaday in loo sameeyo maamul Degmo.

Kismaayo,Dec,21 -Wararka ka imaanaya gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in duqaymo dhinaca cirka ah in loo gaystay galinkii dambe ee shalay deegaanka Hoosingow oo 170km dhinaca galbeed kaga beegan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose.

Duqaymahan oo aan jirin cid sheegatay inay qaaday ayaa wararku waxaa ay sheegayaan inay ku dhinteen 11 qof oo ahaa dad shacab ah.

Mid ka mid ah dadka deegaana Hoosingow oo la hadlay Radio Daljir ayaa waxaa uu sheegay duqaymahan in loo gaystay goobo aysan ku sugnayn kooxda Al-Shabaab,balse waxaa la duqeeyay ay ahaayeen dad shacab ah oo aan waxba galabsan.

Sidoo kale goob joogaha ayaa sheegay in khasaaraha dhimasho ee duqaymaha inay yihiin kuwa sii badan kara islamarkaana ay xiligaan jiraan 27 qof oo dhaawac ah oo aan ahaysan gargaar caafimaad oo dhamaystiran.

Ciidamada dowladda faderaalka ee Soomaliya iyo kuwa dowladda Kenya ayaa todobaadyadii ugu dambeeyay deegaano katirsan gobolada koonfureed ee dalka Soomaaliya si wadajir ah ugu wadatay howlgalo kadhan ah kooxda Al-Shabaab.

Diiwaanka Wararka
Radio Daljir. http://daljir.com/

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: