Madaxda Sare ee dowladda oo kulan gaar ah ka yeeshay dhacdadii Boosaaso

Madaxda Sare ee dowladda oo kulan gaar ah ka yeeshay dhacdadii Boosaaso

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh, Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre iyo Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Xildhibaan Sacdiya Samatar ayaa xalay kulan gaar ahaa waxaa ay ka yeesheen dagaalkii ka dhacay Mahaalada Boosaaso ee Gobolka Bari.

Wararka la helay ayaa sheegaya in Guddoomiye Sacdiyo ay dooneysay in fiidnimadii xalay ay ka hadasho dhacdadaas, hayeeshee Madaxda Sare oo soo farageliyay ay ka joojiyeen, isla markaana kulanka ay ugu yeereen.

Xogaha la helayo ayaa sidoo kale sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaaraha ay khadka taleefonka kula hadleen Madaxweynaha Puntland oo dalka dibaddiisa ku maqan, iyaga oo kala hadlay dejinta xiisadda Boosaaso.

Sidoo kale Wararka la helayo ayaa sheegaya in Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni uu si deg deg ah Garoowe ugu soo laaban doono, waxaana Puntland tegi doona Madaxweynaha ama Ra’iisul Wasaaraha midkood si ay uga wada hadlaan dhacdadii Boosaaso iyo wadashaqeynta dowladda Soomaaliya & Puntland.

Waa dagaalkii labaad ee ka dhaca Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari inta uu xilka haayo Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, kaas oo geysta khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo aad u farabadan.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com