DR Congo oo si rasmi ugu biirtay ururka dalalka Bariga Afrika ee loo soo gaabiyo (EAC)

HomeWararka

DR Congo oo si rasmi ugu biirtay ururka dalalka Bariga Afrika ee loo soo gaabiyo (EAC)

Dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo, ayaa isniintii si rasmi ah uga mid noqotay xubintii toddobaad ee ururka Bulshada Afrikada Bari (EAC), ka

Macaliiminta Dugsiyadda Sare ee Boosaaso oo Tababar lagu soo Xiray Boosaaso (dhegayso)
Wacaal Darey ah: Madaxtooyada Puntland oo Isugu yeertay Suxufiyiinta.
Facebook Waxay Badaleysa Magaca Shirkada Iyagoo U Badalaya Meta

Dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo, ayaa isniintii si rasmi ah uga mid noqotay xubintii toddobaad ee ururka Bulshada Afrikada Bari (EAC), kadib markii ay si buuxda u dhameystirtay shuruudihii loogga baahnaa.

Xafladda ayaa waxay ka dhacey ee ansixinta ku biirista ah xarunta ururka ee magaalada Arusha, ee dalka Tanzania.

Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Congo DR, Christophe Lutundula, ayaa warqadaha u gudbiyey xoghayaha guud ee ururka, Peter Mathuka, oo ku tilmaamey tallaabadan u danbeysay mid horumar u ah dalka Congo DR, iyo sidoo kalaba ururka.

Dowladaha xubnaha ka ah ururka, ayaa ansixiyey codsigii DR Congo, ee ahaa inay kusoo biiraan ururka bishii April, baarlamaanka dalkaas ayaa ansixiyey go’aanka ku biirista bishii June.

Madaxweynaha dalka Congo DR, ayaa kusoo gudbiyey bartiisa twitter-ka heshiiska ku biirista.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: