Malayshiyaad hubaysan oo dil ka gasytay degaan katirsan gobolka Galgaduud

Malayshiyaad hubaysan oo dil ka gasytay degaan katirsan gobolka Galgaduud

Maleeshiyaad hubeysan ayaa duleedka deeganka kaxandhaale oo hoostaga degmada Balanballe ee
Gobolka galgaduud waxaa ay kudileen Nin la sheegay in uu Shacab ahaa.

Ninka oo aan weli Magaciisa la sheegin balse Xoolaleey ahaa ayaa goobjoogayaal sheegeen in xilliga la dilayay uu Geel la jiray, isla markaana maleeshiyaadka dilay ay wadada u galeen.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi kudarayaan in dilka Ninka Xoolo dhaqatada ah uu salka kuhaayo dilal aanooyin qabiil ah oo horay uga dhacay degaanka Kaxandhaale iyo degaano kale oo hoostaga degmada Balanballe.

Maamulka degmada Balanballe ee Gobolka Galgaduud iyo laamaha Amniga Galmudug ayaan weli ka hadlin dilkaas, waxaana jirtay in dhowr neer siyaabo kale duwan dad Xoolo dhaqato ahaa loogu dilay degaano katirsan Gobolka Galgaduud.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com