Madaxda Puntland iyo Koonfur galbeed oo heshiis kala saxiixday

HomeWararka

Madaxda Puntland iyo Koonfur galbeed oo heshiis kala saxiixday

Madaxweynaha maamulka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xalay ka qeybgalay xaflad soo dhoweyn ah oo isaga iyo wafdigiisa loogu sameeyay xa

Garaad Cabdulqaadir Botaan:”Shacabka Dantiisa halaga shaqeeyo Ganacsatadana dantooda kaliya yeey fiirsan “
Dowladda oo sheegtay in la dilay sarkaal sare oo katirsana Ururka Alshabaab
Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee DFS oo xukun ku riday ragii loo heystay dilkii Guddoomiyihii degmada Hodan (daawo)

Madaxweynaha maamulka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xalay ka qeybgalay xaflad soo dhoweyn ah oo isaga iyo wafdigiisa loogu sameeyay xarunta Madaxtooyada Koonfur Galbeed ee magaaladda Baydhabo.

Saciid Deni ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa Baydhabo , waxaana uu kulamo kala duwan la qaadanayay qeybaha kala duwan ee bulshada.

Hadal-jeedin uu Madaxweynuhu sameeyay waxaa uu sheegay in Puntland iyo Koonfur Galbeed ku heshiiyeen horumarinta iskaashiga, dhinacyada Amniga, ganacsiga, isdhexgalka Bulsho iyo dowladd dhiska Iyadoo Puntland wixii aqoon dowladdnimo iyo shuruuc ah ku taageerayso Koonfur Galbeed.

Waxaa ay sidoo kale ku heshiiyeen ilaalinta amniga dadka kasoo jeedda degaanada maamulka Koonfur Galbeed ee ku sugan degaanada maamulka Puntland.

Madaxweyne Deni ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo dhammaan dadka reer Koonfur Galbeed dowladd iyo shacaba sida wanaagsan ee isaga iyo wafdigiisa usoo dhoweeyeen.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: