Galmudug oo bilowday diwaangalinta casriga ah ee ciidanka

Galmudug oo bilowday diwaangalinta casriga ah ee ciidanka

Wasaaradda Maaliyadda Galmudug ayaa bilaawday habka diiwaan galinta Casriga ah ee Ciidamada tababarada kujira ee Daraawiishta Galmudug.

Guddi ka socda Wasaaraddaha Maaliyada, Amniga iyo Madaxtooyada ayaa maanta howsha diiwaan galinta Ciidamada ka bilaabay Xeryaha Dhaan-karoone iyo Indha-qaris oo ay kujiraan Labo urur oo ka tirsan Daraawiishta Galmudug kuwaa oo maalmaha soo socda loo xirayo tababar u socday dhowr bilood.

Galmudug oo Askari walba u qoondaysay in uu qaato Mushaar dhan $200 ayaa Hanaanka Diiwaan-galinta casriga ah ee “Biometric”, u adeegsan doonta in lagu bilaabo 700 oo askari, kuwaa oo ah inta tababarada dhameysatey ee la howl galinayo.

Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa shan bilood ee lasoo dhaafay qaar ka mid ah degaanada Puntland tababaro uga furayay Ciidamo ka mid noqday Ciidanka daraawiishka Galmudug.

Diwaanka wararka
Warbaahinta Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com