Maamulka Hirshabelle oo ciidamo boolis ah u samaynaya deegaanadii loo barakacay

HomeWararka

Maamulka Hirshabelle oo ciidamo boolis ah u samaynaya deegaanadii loo barakacay

Maamulka Hirshabelle ayaa sheegay inay ciidamo boolis ah gaynayaan duleedyada magaalada Baladwayne ee xarunta gobolka Hiiraan oo ay ku suganyhiin boqo

Xulashada Daljir iyo Ayaanle Cabdullaahi Jaamac, Daljir Caabudwaaq (dhegayso)
Booliska Jubaland oo ninkii gabadha ku dhaawacay Bosaso ku wareejinaya Puntland
Caawa & Daljir iyo cXakiin Xuseen Xasan, Daljir Garoowe (dhegayso)

Maamulka Hirshabelle ayaa sheegay inay ciidamo boolis ah gaynayaan duleedyada magaalada Baladwayne ee xarunta gobolka Hiiraan oo ay ku suganyhiin boqolaal ruux oo ka baracakay fatahaadda wabiga Shabelle iyo roobaabka mahiigaan ahaa ee da’ay.

Maadxwaynaha Hirshabelle ayaa sheegay inay dadkaasi barakacay ay u baahanyihiin ciidamo amaankooda suga, maadaama ay yihiin dad daadsan hereeraha waddooyinka ee duleedyada magaalada.

“Boqolaal Shacab ah ayaa ku sugan deegaannada ku dhow dhow Baladweyne kuwaas oo u baahan in amnigooda la xaqiijiyo waxanaa u diyaarinaya ciidamadii amnigooda ilaalin lahaa maadaama ay mas’uuliyad inaga saaran tahay ayuu yiri Maxamed Cabdi Waare.

Todobaadkii hore kumanaan qoys ayaa guryahoodii ka barakacay magaalada Baladwayne, kadib daadad ugu soo galay hoygooda, waxaana wali xaalad adag oo nololeed ay haysataa dadkaasi, iyadoo madaxwaynaha Soomaaliya uu dhowaan booqday magaalada Baladwayne.

 

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: