Booliska Jubaland oo ninkii gabadha ku dhaawacay Bosaso ku wareejinaya Puntland

Booliska Jubaland oo ninkii gabadha ku dhaawacay Bosaso ku wareejinaya Puntland

Taliska ciidamada booliska ee Jubaland ayaa sheegay inay ku guulaysteen soo qabashada nin ku eedaysan inuu gabar ku dhaawacay magaalada Bosaso, kadib markii uu isku dayay inuu kufsi u gaysto, balse ay dagaal kala hortimid.

Ninkan oo lagu magacaabo Cabdirisaaq Warsame Axmed Sanka, kana mid ahaa ciidamada Puntland gaar ahaana kuwa badda ayaa laga qabtay magaalada Kismaayo kadib howlgal ay sameeyeen ciidamada booliska ee Jubaland.

Taliyaha qaybta booliska ee Jubada hoose Cabdinaasir Cali Guuleed ayaa u sheegay warbaahinta magaalada Kismaayo eedaysanahaasi oo ay boolisku qabteen lagu wareejin doono Puntland si loo maxkamadeeyo.

Soo qabashada askarigaasi ayaa timid kadib xiriir dhexmaray wasaaradda cadaaladda Puntland iyo Jubaland.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com