Maamulka gobolka Mudug oo ka hadlay weerarkii lagu qaaday Saldhiga Gaalkacyo

Maamulka gobolka Mudug oo ka hadlay weerarkii lagu qaaday Saldhiga Gaalkacyo

Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland Axmed Muuse Nuur ayaa sheegay in Weerar xalay lagu qaaday Saldhigga Booliska ee Magaalada Gaalkacyo uusan ahayn mid argagixiso.

Axmed Muuse Nuur ayaa sheegay in weerarka uu ku dhaawacmay hal qof kaas oo uu soo gaaray dhaawac fudud, sidoo kalena aysan jirin wax khasaare kale ah oo uu geystay.

Waxaa uu Guddoomiyihu yiri “Wallaahi, hadda arrintan dhacday, ma aha Argagixisadii noocaa uma shaqeeyaan, waxaan isleeyahay, waa dad khalkhalinaya Amniga magaalada, meel kale kama imaan maaha Argagixisada farsamadeedu noocaas, wax iskama tuuraane waxbay bi’iyaan ay hubaan.”

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com