Xubno Al-Shabaab katirsan oo lagu dilay Jubbada Hoose

Xubno Al-Shabaab katirsan oo lagu dilay Jubbada Hoose

Wararka k naga soo gaaraya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in dagaalyahano katirsan Al-shabaab lagu dilay deegaanka Hosingow, kadib markii ay isku dayeen in weerar gaadmo ah ay ku qaadaan fariisimo ciidamadu ay ku lahaayeen duleedka deegaankaasi.

Cabdiraxmaan Macallin Maxamed oo ka mid ah maamulka deegaanka ayaa sheegay in ciidamadu ay ka hortageen dagaalamayaashii soo weeraray, isagoo intaa ku daray in ay dileen dagaalamayaal iyo saraakiil ka tirsan Al-shabaab.

Ma jiraan xog intaasi ka dheer oo laga helay weerarka ka dhacay deegaanka Hosingow ee gobolka Jubbada Hoose.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com