laftagareen oo sheegay in kacdoon ka dhan ah Al-Shabaab uu ka bilaabanayo Sh/Hoose

HomeWararka

laftagareen oo sheegay in kacdoon ka dhan ah Al-Shabaab uu ka bilaabanayo Sh/Hoose

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed ( laftagareen) oo ku sugan degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa

Somaliland oo guul u aragta in magaceeda lagu soo qaaday shirkii Farmaajo iyo Abey
Madaxweyne Gaas oo soo Xiray Shir looga hadlayeey Kaluumaysiga Sharci Daradda ah (dhegayso)
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo kulan la yeeshay dhigiisa dalka Kenya

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed ( laftagareen) oo ku sugan degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegay in kacdoon Shacab oo ka dhan ah Al-Shabaab uu ka bilaabanayo Gobolka Shabeellaha Hoose.

Waxaa uu sheegay in dhammaan gobolada dalka looga wada istaagay dagaalka ka dhan ah Al-Shabaab, iyagana dhankooda ay bilaabayaan kacdoonkaas, wuxuuna ugu baaqay dhammaan dadka kunool degaannada Koonfur Galbeed inay qeyb ka noqdaan dagaalka.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed ( laftagareen) ayaa ugu dambeyn sheegay in gobolada Baay & Bakool ay kacdoonka ka dhanka ah Al-Shabaab hadana ay ka bilaabanayaan Gobolka Shabeellaha Hoose.

Hadalka Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed ( laftagareen) ayaa kusoo aadaya xilli dad Shacab ahaa oo hubka qaatay ay Al-Shabaab kula dagaalameen degaano katirsan gobolada Hiiraan & Shabeellaha Dhexe, isla markaana degaano dhowr ah ay kala wareegeen.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: