Ciidanka DANAB oo howlgal ku qaaday degaano ay ku sugnaayeen Al-Shabaab

Ciidanka DANAB oo howlgal ku qaaday degaano ay ku sugnaayeen Al-Shabaab

Ciidanka Kumaandooska xoogga dalka Soomaaliyeed ee DANAB oo shalay gaaray degaanka Halgan ayaa saaka iyaga oo kaashanaya dadka degaanka oo hubka qaatay waxaa ay howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ka fuliyeen degaano u dhaxeeya Magaalada Beledweyne iyo degaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan.

Degaannada howlgalka laga fuliyay oo kuyaalla dhinaca Jiinka Wabiga ayaa waxaa Saldhigyo kulahaa Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab, kuwaas oo dhawaan weeraray Saldhig ciidamada Gorgor kuleeyihiin degaanka Burdaar ee Gobolka Hiiraan.

Saraakiisha Ciidamada Kumaandooska DANAB ee howlgalka fuliyay ayaa sheegay in wax iska caabin ah aysan kala kulmin Ururka Al-Shabaab, isla markaana ay burburiyeen Saldhigyo ay ku lahaayeen degaannada u dhaxeeya Magaalada Beledweyne iyo degaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan.

Sidoo kale Saraakiisha DANAB waxaa ay sheegeen in, iyaga oo kaashanaya dadka degaanka ee hubka qaatay ay ka go’an tahay inay fuliyaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab si looga saaro guud ahaan gobolka Hiiraan.

Ciidanka Kumaandooska xoogga dalka Soomaaliyeed ee DANAB oo howlgallo gaar ah fuliya ayaa dhawaan kamid ahaa Ciidamadii Al-Shabaab ka saaray degaanka Wabxo ee Gobolka Galgaduud wallow markii dambe ay isaga soo baxeen.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com