Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo kulan la yeeshay dhigiisa dalka Kenya

HomeWararka

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo kulan la yeeshay dhigiisa dalka Kenya

Taliyaha ciidan xoogga dalka Soomaaliya Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage oo socdaal shaqo ku jooga magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa la kulma

Bilicda Dhismaha Cusub ee Wasaradda Haweenka Shaqo Ha Lagu Daro (Sawirro)
GALMUDG: Maamulka Guriceel: “Waxaa socda howlgal deg deg ah (daawo)
Taliye Afdalow “Isma Casilin ee Shaqo ka Fariisin ayaa la Igu sameeyey!” (dhegayso)

Taliyaha ciidan xoogga dalka Soomaaliya Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage oo socdaal shaqo ku jooga magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa la kulmay dhiggiisa Kenya General Robert Kariuki kibochi.

Labada Taliye ayaa ka wada hadlay iskaashiga, wada shaqeynta labada dhinac iyo xoojinta la dagaallanka Kooxaha Khawaarijta oo dhibaato ku ah ammaanka labada dal.

Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa uga mahad celiyay Kenya doorka ay ka qaadaneyso howlgallada Khawaarijta looga xoreynayo dalka.

31kii Janaayo ee sanadkan ayay ahayd markii Taliye Odowaa uu Muqdisho ku qaabilay dhiggiisa dalka Kenya oo ay ka wada hadleen arrimaha la dagaallanka Khawaarijta.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: