Shirka Golaha wadatashiga oo Maanta furmaya & Qodobada looga hadlayo

Shirka Golaha wadatashiga oo Maanta furmaya & Qodobada looga hadlayo

Waxaa lagu wadaa in saacadaha soo socda ee manta ah in Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay uu ka furmo shirka u dhaxeeya Madaxda Sare ee dowladda Soomaaliya, Madaxda dowlad goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Shirka oo qorshuhu ahaa in 14-ka Bishaan uu furmo ayaa dib uga dhacay kadib markii Madaxweyne Xasan Sheekh oo furaya uu safar deg deg ah ugu baxay dalka Ereteriya, waxaana wararka aan helnay ay sheegayaan in Madaxweynaha Puntland uu diiday ka qeyb alka shirkaas.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in shirka looga hadli doono qodobo ay kamid yihiin qaab dhismeedka amniga qaranka, hannaanka federaaleynta maaliyadda, doorashooyinka heer Federaal iyo heer dowlad-goboleed.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Madaxda Heer Dowlad Goboleed ayaa ka arrinsanaya qorsheyaasha muhiimka u ah geeddi socodka dowladnimada iyo horumarka dalka.

Amniga Magaalada Baydhabo ayaa aad loo adkeeyay, waxana ku sugan madaxweyne Xasan Sheekh, Ra’iisul Wasaare Xamse, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir & Madaxweynayaasha dowlad Goboleedyada, Galmudug, Hir-Shabeelle & Koonfur Galbeed.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com