Labo Qarax oo Ciidamo katirsan Booliska Kenya lagula eegtay degaano u dhow Magaalada lamu

HomeWararka

Labo Qarax oo Ciidamo katirsan Booliska Kenya lagula eegtay degaano u dhow Magaalada lamu

Warar dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan laba qarax oo Ciidamo katirsan kuwa Booliska Dowladda Kenya lagula eegtay degaano u dhow Magaalada lamu

Howlgal lagu qabtay inka badan sodon qof oo kadhacay Bosaaso (dhegayso)
Muqdisho: Isbadal ku yimid Wakhtiga doorashadda
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo lafilayo inuu goordhow soo gaaro Garowe

Warar dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan laba qarax oo Ciidamo katirsan kuwa Booliska Dowladda Kenya lagula eegtay degaano u dhow Magaalada lamu ee Gobolka Waqooyi Bari, kuwaas oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Qaraxyada oo laba ahaa ayaa Ciidamada Booliska Kenya waxaa lagula eegtay inta u dhaxeeysa degaannada Ijaara iyo Sangaa’ilow oo hoostaga Magaalada lanu, waxaana la sheegay in mid kamid ah qaraxyada uu qabsaday Gaari ay saarnaayeen Ciidamada Booliska Kenya.

Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda qaraxyadaas, waxaana War kasoo baxay lagu sheegtay in mid kamid ah qaraxyada ay kudileen Injineer u dhashay dalka Shiinaha oo ay ilaalo ka hayeen Ciidamada Kenya.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: