Muwaadiniin Soomaaliyeed oo lagu dilay Koonfur Afrika

HomeWararka

Muwaadiniin Soomaaliyeed oo lagu dilay Koonfur Afrika

Kooxo Burcad Koonfur Afrikan ah ayaa Alle ha u Naxariistee waxaa ay xalay Gudaha wadankaas ku dileen laba Dhalinyaro Soomaali ah, kuwaas oo kamid ahaa

MARTISOOR: Abdusalam Salwe iyo falaanqaynta marxaladda kalaguurka Puntland (dhegayso)
Wafdi Kasocda Dowladda Faderaalka oo ku wajahan Baladwayne
Madaxweyne Deni oo Qardho kula kulashiray qaar kamid ah xildhibaanada Puntland (dhegayso)

Kooxo Burcad Koonfur Afrikan ah ayaa Alle ha u Naxariistee waxaa ay xalay Gudaha wadankaas ku dileen laba Dhalinyaro Soomaali ah, kuwaas oo kamid ahaa Dhalinyarada ka Shaqeysan jiray dalkaas.

labada dhalinyarada ah oo lagu kala Magacaabi jiray Yaasin Cumar iyo Yuusuf Jowhar ayaa Kooxaha Burcadda ah waxaa ay kudileen Agagaarka Goobo Ganacsi oo kuyaalla Xaafada Kalija ee magaalada Cape Town ee dalkaasi Koofur Afrika, iyaga oo dilka kadib Goobta ka baxsaday.

Saacado kadib waxaa Goobta uu dilka ka dhacay gaaray Ciidamo katirsan Booliska Koonfur Afrika, kuwaas oo sameeyay howlgallo walow aysan ku guuleysan inay gacanta ku dhiigaan Kooxihii ka dambeeyay dilka labada dhalinyarada Soomaalida ahaa.

Maalmihii la soo dhaafay waxaa dalka Koonfur Afrika ku kordhay dilalka lagu haayo Soomaalida, waxaana todobaadkaan oo aan weli dhamaan kaliya dalkaas lagu dilay in ka badan 5 Ruux oo Soomaali ah, iyada oo laamaha amniga Koofur Afrika aysan illaa hadda waxba ka qaban dhibaatada Muwaadiniinta Soomaaliyeed sida gaarka ah loogu hayo.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: