Wafdi Kasocda Dowladda Faderaalka oo ku wajahan Baladwayne

Wafdi Kasocda Dowladda Faderaalka oo ku wajahan Baladwayne

Guddi ka kooban 12 xubnood oo kasocda dowladda faderaalka ee Soomaaliya ayaa maanta lagu wadaa inay gaaraan magaalada Baladwayne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Raysal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa shalay ku dhawaaqay guddi ka kooban 12 xubnood oo katirsan xukuumadda oo madaxwaynaha Soomaaliya uu qayb ka ahaa magacaabiddooda, waxaana loo saaray inay u gurmadaan dadka ay wax yeelaysay fatahaadda wabiga Shabeelle ee mara magaalada Baladwayne iyo roobab mahiigaan oo da’ay.

Raysal Wasaare ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay isu gurmadaan oo ay is-caawiyaan sidii horey looga bartay oo aanay waxba ka sugin Beesha Caalamka.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com