Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo lafilayo inuu goordhow soo gaaro Garowe

HomeWararka

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo lafilayo inuu goordhow soo gaaro Garowe

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa in safarkiisii ugu horreeyay in uu ku tago magaalada garoowe ee Caasimadda dowlad Goboleedka Puntland

Deeganka CALMADOW & Gabadh Daljir Joogto u Dhegeysata
Caawa & Daljir iyo Cabdifataax Cumar Geeddi, Daljir Garoowe (dhegayso)
Muqdisho: Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo Maanta xukun riday

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa in safarkiisii ugu horreeyay in uu ku tago magaalada garoowe ee Caasimadda dowlad Goboleedka Puntland tan iyo markii la doortay 15-kii Bishii May ee sanadkaan 2022.

Magaalada garoowe waxaa shalay soo gaaray wafdi horudhac u ah safarka Madaxweynaha, kaas oo uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibada Dowladda Federaalka Soomaaliya Abshir Cumar Huruuse.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxa la filayaa in uu kulamo gaar gaar ah la qaato madaxda sare ee Puntland iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Wararka la helay ayaa sheegaya in Ujeedada safarka uu Madaxweynaha Soomaaliya ku tagayo magaalada garoowe ay tahay sidii loo xoojin lahaa wadashaqeynta dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Puntland,.waxaana Madaxweynaha uu horay u tegay tegay magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Baydhabo, isaga oo kulamo la qaatay Madaxda Maamuladaas ee Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) iyo Cabdicasiis Xasan Maxamed (laftagareen).

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: