Laascaanood iyo Axad oo maalin madow u ahayd Jamaahiirta SSC

Laascaanood iyo Axad oo maalin madow u ahayd Jamaahiirta SSC

Gabbalgaabkii maanta ayaa mar kaliya waxaa isbadeley jawigii qaybo kamid ah magaalada Laascaanood, khaasatan Taalada Shuhadada oo midabkeedii mugdi noqday. Koox kamid ah dhallinta magaalada ayaa mar kaliya ku boobay rinji madow halkii ay taaladu awal buluug ka ahayd.

Arrintan ayaa ka dhalatay kaddib markii si lama filaan ah uu Cabdiqani Maxamuud Jiidhe, oo horey xilliggii Somaliland ay cadaadiska iyo dilka la dultaagneyd Laascaanood soo noqday guddoomiyaha Gobolka Sool, xilligii kacdoonku bilaabmayana ahaa Guddoomiyaha Gabiley, isa soo taagay oo ka khudbeeyey Taalada Shuhadada.

   

Cabdiqani Maxamuud Jiidhe ayaa safka hore ugu jiray ragga Somaliland u shaqeeya, si aan gabbasho lahayna uga soohorjeeday halganka dhallinta, marar badanna ku digtay dhallinta SSC. Dhallinta SSC ayaa imaanshihiisa Laascaanood iyo istaagiisa uu ag istaagay Taalada Shuhadada u arka dhabarjab soo wajahay halganka, maadaama Cabdiqani Maxamuud Jiindhe uusan marnaba noqon karin shaqsi xalaaloobi kara.

Cabbaas Madani oo kamid ah halgamayaasha SSC ayaa boggiisa Facebook soo dhigay qoraal digniin ah, yirina, “Horgal Cabdiqani jiidhe oo ah la taliye Maxamed Kaahin saacado gudahood waa in uu isaga baxo magaalada Laacaanood waa hadii aanu Baasaas Muuse Biixi u ahayn. Beesha Bahararsame iyana waxa looga fadhiyaa inay cadayso mowqifkooda Deg Deg.”

Cabdiqani oo maanta Taalada Shuhadada ka sheegay in uu taagersanyahay halganka SSC, diyaarna u yahay dagaalka lagula jiro Somaliland ayaa haddana markii bulshada Laascaanood ay hadalkiisii maanta qalliino ku sameeyeen, tixraacna la beegsadeen haddaladiisii hore ee qallafsanaa waxa ay hadda sii oogeen dhanacdii ku shidnayd.

Illaa hadda ma cadda go’aanka ay masuuliyiinta SSC-Khaatumo ka qaadan doonaan ammuuraha isa saaran ee Cabdiqani Jiidhe iyadoo laba maalmood kahor booliska gobolku ay soo saareen qoraal ay shaki kaga muujiyeen immaanshaha Cabdiqani, oo sida qoraalka ku cad lagu sheegay in uu wato qorshe adeegsanaya dhaqaale oo uu ugu adeegayo Somaliland.

Asbuuc kahor ayey ahayd markii xildhibaano Aqalka Sare iyo kan Hoose ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya ka socda oo uu hoggaaminayo Sanator Timacadde, Kuxigeenka Guddoomiyaha Aqalka Sare, ayna la socdeen Sanator Gaagaab iyo Xildhibaan Cali Xoosh ay la kulmeen bulshada Laascaanood, bilaabeena hagardaamooyin horleh, ayaga oo bulshada u sheegaya “Ciidamada ka imaanaya Garoowe iyo gobolada kale waa kuwa hadhow idinka la idinku cabudhin doono ee taas ka feejignaada.”

Imaanshaha Cabdiqani Jiidhe, khudbadihii xildhibaanada Xamar ka yimid ay ka jeediyeen shirarkoodii badnaa ee Laascaanood (arag qoraalada hoose), dagaalka siyaasiyiinta Aaranjaan ka wadaan Garoowe ee lidka ku ah halganka SSC, iyo imaatinka dhawaan la filayo in ay Laascaano yimaadaan siyaasiyiin horleh oo sheegan doona in ay “ka soo goosteen Somaliland” ayaa ah hammi cusub oo Somaliland iyo saaxibadeed ku naawilayaan si ay u wiiqaan halganka SSC oo hadda Somaliland dhanka cududda milatariga looga xoog batay.

Diiwaanka wararka | Daljir Laascaanood


Wararkii hore

GAAGAAB OO HORMUUD U NOQDAY HAMMIGA AARANJAAN EE HAGARDAAMADA SSC

HALGANKA SSC, HUJUUMKA SOMALILAND IYO HAGARDAAMADA AARANJAAN

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com