HomeUncategorized

Laascaanood: Gudd. gobolka Sool oo ka badbaaday isku-day dil; gaadhigiisa oo qunbuladi la qaraxday.

Laascaanood, Apr 20 - Qaraxan oo abaara 12.00 duhurnimo gigilay xaafadda galbeedka Laascaanood ayaa lala beegsaday Gaadhiga Gudoomiyaha Gobolka Sool Cabdilaahi Jaamac Diiriye (Isleged) waxana Gaadhiga Xiligaasi watay Gudoomiye Ku xigeenka Gobolka Sool Maxamed Faarax Cartan iyo laba nin oo ilaalo u ah.

Shirweynihii Hiigsiga qorshaha dowladda ee 2016 oo laga soo saaray dhowr qodob oo waa weyn
Ra’isal wasaare Saacid oo sheegay inaysan waxba kala socon shirka maamul u samaynta Jubooyinka
Xukuumada Puntland oo si kulul uga jawaabtay diyaardo sharci darro ku keenay Puntland burcad badeed.

Laascaanood, Apr 20 – Qaraxan oo abaara 12.00 duhurnimo gigilay xaafadda galbeedka magaalada Laascaanood, Sool ayaa lala beegsaday gaadhiga Gudoomiyaha gobolka Sool Cabdilaahi Jaamac Diiriye (Isleged), waxaana gaadhiga xiligaasi watay Gudoomiye Ku xigeenka Gobolka Sool Maxamed Faarax Cartan iyo laba nin oo ilaalo u ah.

Gaadhiga oo kusii jeeday guriga Gudoomiye ku xigeenka ayaa qunbulad loo dhigay sida la sheegay wadada, waxaana saraakiisha bilayska Somaliland ay ku micneeyeen qaraxan nooca masaafada fog laga hago (remote controlled).

Laba (2) qof ayaa la sheegay in ay ku dhaawacmeen qaraxa, walow aanu jirin wax khasaare nafeed ah oo uu gaystay qaraxu, hase yeeshee waxa uu burbur weyn u gaystay gaadhiga Gudoomiyaha oo ah nooca Land cruiser-ka loo yaqaano.

Ma ahan markii ugu horeysay ee qarax iyo dilal qorshaysani ka dhacaan magaaladda Laascaanood, waxaana bishii la soo dhaafay lagu dilay laba sarkaal oo xilal ka hayay maamulka Somaliland oo kala ahaa Taliyihii Ciidamadda Nabadsugida Gobolka iyo Gudoomiyihii Maxkamadda Gobolka oo labadoodaba rag aan weli la aqoonsanin ku toogteen badhtamaha magaaladda.

Dilalka iyo qaraxyada isa soo taraya ee ka dhacaya magaaladda Laascanood ayaa bilaabmay dhamaadkii sannadkii 2009-ka, iyadoo ilaa xiligaasi mas’uuliyiinta maamulka Somaliland ee lagu dilay ay gaadhayaan 19 nin iyo 5 qof oo rayad ah; maamulka Somaliland ayaa ku guuldaraystay inuu ogaado cida dilalka iyo qaraxyada u maleegaysa mas’uuliyiinta magaaladda Laascaanood.

Waxaa ay inta badan xusaan xiliyada qaraxyada iyo dilalku dhacaan in ay baadhitaan ku jiraan, hase yeeshee lama ogaado natiijada baadhitaankooda.

Axmed Cali Faarax,
Daljir, Laascaanood.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: