Laamaha amaanka Dowladda oo ka hadlay in Shaqada laga joojiyey Aamin Ambulance

HomeWararka

Laamaha amaanka Dowladda oo ka hadlay in Shaqada laga joojiyey Aamin Ambulance

Maalmihii la soo dhaafay waxaa Baraha Bulshada iyo Wabsite-yada qaarkood lagu faafinayey in Dowladda Soomaaliya ay ku amartay Shaqaalaha Hay’adda Gurm

Bosaso: 21 Carruur oo laga soo xaday Muqdisho iyo gobolada u dhow oo dib loo celiyay (daawo)
Faahfaahin: Dagaalka ka socda gobolka Tigray
Faahfaahin: Dagaalkii Boosaaso & Khasaarihii ka dhashay (daawo)

Maalmihii la soo dhaafay waxaa Baraha Bulshada iyo Wabsite-yada qaarkood lagu faafinayey in Dowladda Soomaaliya ay ku amartay Shaqaalaha Hay’adda Gurmadka deg dega ah ee Aamin Ambulance inay Shaqada joojiyaan,hayeeshee waxaa warkaasi beeniyey taliska Ciidanka booliska Soomaaliyeed.

Taliye kuxigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye guute Zakiya Xuseen Axmed ayaa sheegtay inaysan jirin Shaqa joojin lagu sameeyey Gaadiidka gurmadka deg dega ee Aamin Ambulance,isla markaana ay Booliska wadashaqeyn la yeelan doonaan.

“Booliiska Soomaaliyeed wuxuu caddeynayaa in aysan jirin xayiraad la saaray hay’adda gaarka loo leeyahay ee Aamin Ambulance,Hay’adda Booliiska iyo Gobolka Banaadir waxay yeesheen kulan lagu lafa gurayo sidii wada shaqeyn dhaw loo yeelan lahaa, waana sii wadi doonnaa dadaallada lagu mideynaayo hawlaha gurmadka.

Sidoo kale waxaa ay uga mahad celisay Hmas’uuliyiinta Hay’adda Aamin Ambulance iyo cid walba oo gurmadka degdeg ah ka shaqeyso xilkasnimada iyo dadaalka ay muujiyeen,waxaana ay sheegtay inay rajo weyn ka qabaan in si wadajir ah loo wajaho xaaladaha degdeg ah ee yimaada.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: