Ururka ONLF oo eedeyn xoogan u jeediyeey Dowladda Itoobiya

Madaxda Ururka ONLF ayaa sheegay inay dhul ballaaran oo ku yaalla Gobolka Soomaalida ay ku soo arkeen dhibaatooyin xoogan oo haysta dadka degaanka.

Dhulka Soomaalida ee Ethiopia ayaa intii ay ka socdeen dagaallada Jabhadaha hubaysan waxaa ay taasi keentey in dib u dhac xooggan uu soo gaaro horumarkii gobolka.

Dhowr iyo labaatan degaan oo ka mid ah gobolka ayaa waxaa socdaal ku tagay Ururka ONLF.

Waxyaabihii ay ku soo arkeen waxaa Afhayeenka Ururka ONLF, Cadaani Hiirmooge uu sheegay inay tahay in ay tahay mid u baahan gacan dowladeed iyo mid dadka deegaanka ah, si loo hormariyo dhulkaasi.

Waxaa uu sheegay in dadka ay heystaan dhibaatooyin kala duwan oo dhanka nolosha ah oo soo wajahay dadka degaanka.

Dowladda Itoobiya ayuu ku eedeeyay in aysan waxba ka qaban dhibaatooyin ka taagan dowlad degaanka Soomaalida, islamarkaana hadda loo baahan yahay in loo wada istaago.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir


Posted

in

,

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com