Faahfaahin: Dagaalka ka socda gobolka Tigray

Faahfaahin:  Dagaalka ka socda  gobolka Tigray

Dagaaladan ayaa la sheegay inay u dhexeeyaan ciidamada falaagada Tigray iyo kuwa dowladda.

Xoogaga Fallaagada Tigray ee (TDF) ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen tiro magaalo ah halkaas oo dad goobjogayal ah ay BBC u sheegen inay arken dagalyahanada oo rondo sameynayo Milatariga itoobiya ayaa beeniyay waxayna ku tilmaamen warar been abuur ah.

Dagaalkan ayaa ah kii ugu cuslaa tan iyo bishii Nofeembar, markii dowladda Itoobiya ay ku dhawaaqday inay ku guuleysatay dagaalka.

Kumanaan qof ayaa lagu dilay malaayiin kalena waa lagu barakiciyay dagaalka oo bilowday ku dhawaad sideed bilood ka hor.

Dagaalada ka dib, ilaa shan milyan oo qof oo ku nool Tigray ayaa u baahan gargaar cunno in ka badan 350,000na waxay ku nool yihiin xaalad macluul ah, sida lagu sheegay warbixin dhowaan ay taageertay UN

Wararka dagaalka ayaa imanaya iyada oo ay socoto tirinta codadkii laga dhiibtay doorashadii guud ee Isniintii dhacday. Xaalada ammni awgeed, ma jirin wax codbixin ah oo ka dhacday Tigray.

Afhayeenka falaagada Gebre GebreTsadiq ayaa sheegay in TDF ay weeraro magaloyiin faro badan ku bartilmaamedsanayan ay qaaden isbuuci hore. Wuxuu sheegay in dagaalyahanada ay burburiyeen gaadiid dagaal ayna qabteen qaar kamid ah askarta dowladda.

Dad goob joogayaal ah ayaa sheegay in xoogaga falaagada ay magaalada istiraatiijiga ah ee Adigrat kasoo galeen dhanka xuduuda Eritrea, oo uu jirta 45 km (30 mayl). Haddii la xaqiijiyo, tani waxay noqoneysaa horumarkii ugu weynaa ee fallaagadan ay sameyso tan iyo markii uu dagaalku billowday.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com