HomeUncategorized

Kulan nabadeed iyo arimo kale khuseeya oo ka dhacay xarunta Wasaaradda Haweenka PL xarunteeda Mudug (Sawir)

Gaalkacyo, 03-Dec- Kulan ballaaran oo ku saabsanaa nabadda iyo arimo kale oo bulshada Soomaaliyeed muhiim u ah ayaa lagu qabtay xarunta Wasaaradda Haweenka ayaa ka dhacay xarunta Wasaaradda Haweenka iyo horumarinta qoyska Puntland ee magaalada Gaalkacyo.

DHEGEYSO-Maamulka degmada Qandala oo kahadlay xaaladda degmada.
DHAGAYSO: Barnaamijkii Caawa iyo Daljir iyo Wariye Kooshin
(DHAGEYSO) DFS oo ka hadasay dagaalkii Halgan ka dhacay

Gaalkacyo, 03-Dec- Kulan ballaaran oo ku saabsanaa nabadda iyo arimo kale oo bulshada Soomaaliyeed muhiim u ah ayaa lagu qabtay xarunta Wasaaradda Haweenka ayaa ka dhacay xarunta Wasaaradda Haweenka iyo horumarinta qoyska Puntland ee magaalada Gaalkacyo.


Kulankani ballaaran ayaa waxaa ka soo qeybgalay maamulka gobolka, kan degmada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.


mas?uuliyiinta soo ajiibay ka qayb galka waxaa ka mid ahaa gudoomiyaha gobolka Mudug? Maxamed Yuusuf Jaamac, Gudoomiyaha Ururka Haweenka gobolka Mudug Caasho Cali Bagaag iyo marti sharaf kale.


Muddadii uu socday? kulankani nabadeed ee ka dhacay xarunta Wasaaradda Haweenka ee gobolka Mudug ayaa waxaa halkaasi laga soo? jeediyay hadalo iyo khudbado ku saabsan nabada isla markaana ku dhiiri gelinaya bulshada gaar ahaan dhallinyarada in ay joojiyaan tacadiyada iyo kufsiga ka dhanka ah haweenka oo ah udub dhexaadka bulshada Soomaaliyeed.


Gudoomiyaha Gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Jaamac oo kulanka ka hadlay ayaa si faah-faahsan oga hadlay muhiimadda ay leedahay nabad galyada iyo sida loo baahan yahay in looga wada qayb qaato wuxuuna tilmaamay in uu ku faraxsan yahay ka qeybgalka kulanka nabadeed ee ay soo agaasintay Wasaaradda Haweenka Puntland, wuxuuna Gudoomiyuhu ka soo qeybgalayaasha kulanka oo u badnaa dhallinyaro iyo dadweynaha warbaahinta kala soconaya uu ku boggaadiyay in ay nabadda ka shaqeeyaan oo ay dib u raad raacaan taariikhdii dhaqankeena suubanaa oo aas?aas u ahaa nabadda iyo qiimaynta haweenka.


Gudoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka Mudug Marwo Caasho Cali Bagaag oo ka hadashay? kulanka waxay ugu horayn hambalyo iyo boggaadin u jeedisay Wasaaradda Haweenka iyo horumarinta Qoyska Puntland, waxayna dhallinyarada u jeedisay in ay joojiyaan kufsiga iyo tacadiga loo geysto haweenka, waxaa ay sidoo? kaloo dhallinyarada ku boorisay in ay wax ka qabtaan oo ay joojiyaan shaqaaqooyinka liddiga ku ah haweenka, tahriibka iyo burcad badeednimada oo haddii ay sii socdaan ka dhalan karto cawaaqib danbe oo xun.


Xaawo Mire Faarax oo ka tirsan Haweenka Gobolka Mudug kana mid ah haweenka la shaqeeya Wasaaradda Haweenka Puntland ayaa waxay kulanka ka soo jeedisay hadalo kooban oo nabadda ka hadlaya, waxayna dhallinyarada ku waanisay in ay midoobaan, isla markaana si wada jir ah u wada shaqeeyaan sidii dhallinyaradii halgamayaasha Soomaaliyeed ee SYL.


Kulankan waxaa ka horeeyay socdaal muujina oo shalay haweenku ay ku dhex sameeyeen jidka dheer ee laamigaa kaasoo haweenka ay ku tilmaamayeen qiimaynta nabad galyada iyo joojinta tacadiga haweenka lidiga ku ah.

Daawo Sawirro

\"\"

\"\"

\"\"

? Gudoomiyaha Mudug Maxamed Yuusuf (Tigey)

\"\"

\"\"

? Deeqo oo ka mida Wasaaradda Haweenka PL

?

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: