(DHAGEYSO) DFS oo ka hadasay dagaalkii Halgan ka dhacay

Wasiika amniga qaranka iyo wasiirka gaashandhigga, Cabdirisaakh Cumar Maxamed iyo Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in Al-Shabaab ay saaka aroortii horre isku dayeen in ay soo weeraraan saldhig ciidamada Itoobiya ay ku lahaayeen deeganka Halgan.

Wasiirka gaashandhigga Soomaaliya, Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini ayaa isna sheegay in ilaa hadda inta la ogyaha dagaalkaas Shabaab looga dilay ilaa 120 dagaal yahano isla markaana hub iyo qalab kale laga qabsaday.

Wasiirka gaashandhigga Soomaaliya, ayaa sidoo kale sheegay in dagaalka ka dhacay Halgan dhinaca AMISOM iyo ciidamada Dowladda isku geyn dhaawac iyo dhimmasho ay ka soo gaartay ilaa 10 askari.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com