Ku dhawaad 50 qof oo ku dhimatay weeraradii qarax ee Beledweyn

HomeWararka

Ku dhawaad 50 qof oo ku dhimatay weeraradii qarax ee Beledweyn

Inta la xaqiijiyey 48 qof ayaa ku dhimatay 108 qof oo kalena waa ay ku dhaawacmeen weeraradii qarax ee mataanaha ahaa ee xalay ka dhacay magaalada Bel

BOSAASO: WARBIXIN: Hay’adda Fairfishing oo 30 Arday bartay sida Kaluunka loo qalo,loona Macaaneeyo
Guddiga xalinta khilaafaadka oo ka jawaabay Eedeyntii Midowga Musharrixiinta
Madaxwaynaha Jubaland oo ku dhawaaqay xilliga uu furmayo shirka Kismaayo

Inta la xaqiijiyey 48 qof ayaa ku dhimatay 108 qof oo kalena waa ay ku dhaawacmeen weeraradii qarax ee mataanaha ahaa ee xalay ka dhacay magaalada Beledweyn ee xarunta gobolka Hiiraan sida uu xaqiijiyey madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Cali Guudlaawe.

Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa u badnaa dad shacab ah oo qaraxyadu goobta iyo meelo ka baxsanba ay ku haleeleen.

Waxaa burburay goobo muhiim ah oo ku yaallay magaalada Beledweyn iskugu jira kuwo ganacsi, guryo deegaan ah iyo goobo dawladeed oo uu ku jiro isbitaalkii guud ee magaalada Beledweyn, guryaha qaarkoodna waxay ku dumeen dadkii degganaa sida laamaha ammaanka, kuwa caafimaad iyo madaxda Hirshabeellaba ay xaqiijiyeen.

Weerarada khasaarahaasi dhaliyey mid ka mid ah wuxuu ahaa qof waxyaabaha qarka isku soo xiray oo lala eegtay xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi iyo ilaaladeeda, kaasoo illaa 15 ruux ay ku dhinteen, waxaana weerarka labaad uu dhacay waxyar kadib markii dadkii qaraxa hore ku dhaawacmay la iskugu keenay isbitaalka guud, dad badanna ay iskugu yimaadeen bannaanka isbitaalka, waana kan dhaliyey badanka khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawacba.

Saraakiisha caafimaadka ee maamulka Hirshabeelle iyo kuwa heer gobol iyo degmo ee Beledweyn ayaa xaqiijiyey dadkii qaraxyadi haleeleen in qarkood la waayey hilbahooda, kuwa kalana la kala sooci waayey saacado badan oo lagu hawllanaa.

Dhaawcyada aad u tiro badan ayaa buux dhaafshay goobaha caafimaadka ee Beledweyn, waxaana jira dhaawacyada qaarkood oo aad u cuslaa oo loo qaaday magaalada Muqdisho.

Badanka weerarada ee ka dhaca Soomaaliya waxaa sheegta masuuliyaddiisa Alshabaab, waxaana la xaqiijinayaa muddooyinkii dambe in ay siyaadeen weerarada noocaas ahi.

Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Cali Guudlaawe ayaa masiibo xooggan ku tilmaamay  qaraxyadaasi mataanaha ahaa, wuxuuna sheegay in ay la tacaali doonaan cidkasta oo caafimaad ahaan wax looga qaban waayo gudaha dalka.

Diiwaanka Wararka
Warbaahinta Daljir.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: