Guddiga xalinta khilaafaadka oo ka jawaabay Eedeyntii Midowga Musharrixiinta

Guddiga xalinta khilaafaadka oo ka jawaabay Eedeyntii Midowga Musharrixiinta

Xubnaha Midowga Musharrixiinta Madaxweynaha ayaa sheegay in, iyaga oo hirgalinaya Heshiiskii
17 Septembar 2020. Habraacii 1-da October ee lagu unkay Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada Dadban 2020/2021, Heshiskii 27 May 2021 iyo War-murtiyeedkii Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee soo baxay 21-22 Agoosto 2021 uu la wadaagayo Wakiilada Dhaqanka (Nabadoonada Jufooyinka) iyo xubnaha Bulshada Rayidka ee xulaya Ergadda, Codbixiyayaasha iyo Musharixiinta Doorashooyinka Dadban
2020/2021 in shuruudaha soo-dacwoodaha, Mudada soo Gudbinta dacwooyinka, Xafiiska Dacwadaha lagu soo hagaajinayo, muddada baaritaanada, dhagaysiga iyo go’aan ka gaarista dacwooyinka ay ku cad yıhin Habraaca soo gudbinta Dacwooyinka Doorashadda Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11aad ee uu Guddiga
shaaciyay 01/11/2021.

Qoraal Maanta kasoo baxay Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada Dadban ayaa lagu sheegay in ay xasuusinayaan soo dacwoodayaasha Doorashada muddada soo Gudbinta Dacwooyinka cabashooyinka la xiriira saxsanaanta guddiga soo xulista ergada (odayaasha dhaqanka iyo bulshada rayidka) lagu soo gudbinayo Saddex maalmood gudahood oo ka bilaabaneysa marka ay Guddiga Maamulaya Doorashada (SEIT) ay shaaciyaan magacyada Nabadoonada iyo xubnaha Bulashada rayidka kursi walba.

” Cabashooyinka la xiriira hab qaybsiga iyo kala shaandheynta ergooyinka waxaa lagu soo
gudbinayaa Saddex maalmood gudahood oo ka bilaabaneysa marka la shaaciyo liska ergada kursi
kasta ayaa lagu yir” Qoraalka guddiga xalinta khilaafaadka.

Sidoo kale guddigu waxaa ay sheegeen Cabashooyionka la xiriira diiwaangalinta musharixinta iyo ku dhawaaqida liiska musharixiinta la soo gudbinayo marka la shaaciyo liiska musharixiinta kursi kasta oo ah ka hor 48 saac xiliga doorashada kursigaas.

” Marka la qabto doorashada kursi kasta waxaa lagu gudbinayaa cabashooyinka la xiriira natiijada
doorashada kursigaas 3-maalmood gudahood oo ka bilaabanaysa marka lagu dhawaaqo
natiijada horudhaca ah ee kursigaas. Haddaba, Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada Dadban asagoo tixgalinaya in muwaadiniintu ay xaq u
leeyihiin inay fikradahooda si xor ugu cabiri karaan warbaahinta noocyadeeda kala duwan, hadana Guddiga uma garawsana cabashooyinka warbaahinta oo kaliya la soo mariyo dacwo rasmi ah.

Guddiga xalinta khilaafaadka ayaa xaqiijiyay inay si
rasmi ah u soo gaartay labo dacwo oo Golaha Shacabka ah intii doorashada socotay, waxaana go’aankooda Guddigu u maray hanaanka dhaqanka iyo halbeegyada caalamiga ah ee doorashooyinka, wuxuuna Guddiga uu ku booriyay soo-dacwoodayaasha Doorashada ee buuxiyay shuruudaha dacwo oogashada inay dacwooyinkooda Doorashada ku hagaajiyaan Xafisyada uu guddigu ku leeyahay goobaha deegan doorshooyinka dalka muddada kor ku xusan.

Ugu dambeyn Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada Dadban ayaa ka codsaday Golaha Midowga Musharixiinta inay keenaan caddaymo muujnaya in Guddigu hor istaagay in uu qabto dacwado iyo go’aano u guddiga
gaaray oo aan loo marin habraacin loo dajiyay, waxaana ay u balan qaadeen Golaha Midowga Musharxiinta iyo dhamaan daneeyayaasha doorashooyinka inuu si daahfurnaan leh u hor keeno dacwooyinkii uu qabtay iyo sidii uu ku
gaaray go’aanadii uu qaatay markasta oo loo bahdo.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com