Xukuumadda Puntland oo maanta kulankooda uga hadlay, amniga, abaaraha iyo macayshadda.

Fadhigii khamiislaha ahaa ee golaha wasiirrada Puntland maanta waxaa looga hadlay arrimo dhawr ah oo ah xaaladaha deegaannada kala duwan ee Puntland ka taagan.

Fadhiga golaha oo uu guddoomiyey madaxweyne Siciid Cabdillaahi Deni waxaa xoogga lagu saaray arrimaha amniga, abaaraha iyo nolosha macayshadda taasoo muddooyinkii dambe uu ku socday sare u kac xagga qiimaheeda.

Inkasta oo fadhigaan wasiirradu uu yahay mid todobaadle ah, haddana dhawr fadhi oo la soo dhaafay wasiirrada ajandahooda waa uu ka mid ahaa qorshaha sicirbararku haddana ma jirin tallaabooyin muuqdo oo xagga isbaddelka loo qaaday.

Puntland ayaa ka mid ah meelaha abaartu saamaynta xooggan ku yeelatay, dhinac kalena qiimaja macayshadda qutudaruuriga ahi ay cirka isku shareertay.

Leave a comment

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *