HomeUncategorized

Koonfurta Kuuriya oo waqtiga u Kordhisay Ciidamada ka jooga Xeebaha Somaliya

Somalia, November 12, 2015-(Daljir)_ Wasaarada Difaaca Koonfurta Kuuriya ayaa dadaal ugu jirta sidii mudo hal sano waqtiga ugu kordhin lahayd joogitaanka ciidankeeda ku sugan xeebaha Soomaaliya iyo dalalka isku taga Imaaraadka carabta,sidaasi waxaa sheegay mas’uuliyiin ka tirsan Dowlada Koonfurta Kuuriya.

DHEGEYSO-Xukuumadda Soomaaliya oo sheegtay in Alshabaab Dalka laga saarayo.
Hay?adda Bish Cas Iran oo qorshaynaysa inay dib goobahoodii ugu celiso 4,000 oo qoys, kuwaasoo horay uga soo barakacay gobollada dhexe.
R/wasaare Farmaajo oo is-casilay, sheegayna in uu u tanaasulay ummadda Soomaaliyeed.

Somalia, November 12, 2015-(Daljir)_ Wasaarada Difaaca Koonfurta Kuuriya ayaa dadaal ugu jirta sidii mudo hal sano waqtiga ugu kordhin lahayd joogitaanka ciidankeeda ku sugan xeebaha Soomaaliya iyo dalalka isku taga Imaaraadka carabta,sidaasi waxaa sheegay mas’uuliyiin ka tirsan Dowlada Koonfurta Kuuriya.

Talaabadaan Koonfurta wadanka Kuuriya ayaa lagu sheegay iney kaga gol leedahay cadaadis ku saartay Qatarta Burcad badeeda & baahida loo qabo howgal xaga amniga ah oo iska kaashadaan dalalka Bariga dhexe.

In kabadan 320-askari (Cheonghae Unit) oo ka socda Koonfurta Kuuriya ayaa hada ka qeyb qaadanaya Howlgalka caalamiga ah ee ka dhan Burcad Badeeda Gacan Cadan ee xeebaha Soomaaliya tan iyo bishii March 2009.

Dhanka kalena Abu Dhabi,ayaa waxaa ka howlgala ciidamo 150,kuwaasi oo loogu yeero (Akh Unit),oo tagay dalkaasi bishii January 2011, ka dib codsi dhanka baahida tababarka oo ka yimid UAE.


Kooxaha Burcad badeed Soomaali ayaa lasheegay inay Qatar ku ah amaanka marin Biyoodka,waxaana jira Howlgal Malitari oo ay iska kaashanayaan dalalka Midowga Yurub ee ka socda xeebaha Soomaaliya (Athlanta).

By: Maxamed Xalliye

 

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: