R/wasaare Farmaajo oo is-casilay, sheegayna in uu u tanaasulay ummadda Soomaaliyeed.

Muqdisho, June 19- R/wasaarihii dawladda federaalka KMG ah ee Soomaaliya ayaa goordhawayd ku dhawaaqay in uu iska casilay xilkii R/wasaarenimo ee Soomaaliya, sheegayna in uu tallaabadaay u qaatay tanaasul Soomaalinimo.

R/wasaare Maxamed C/llaahi Farmaayo, ayaa is-casilaaddiisa uga dhawaaqay shir jaraa?id oo isaga iyo m/weyne Shariif Sh Axmed ay maanta si wadajir ah ugu qabteen aqalka madaxtooyada ee Villa Soomaaliya.

R/wasaaraha ayaa is-casilaaddiisa ku micneeyey in ay ku qotonto sidii looga bixi-lahaa muran iyo is-maandhaafka siyaasadeed ee muddana ka dhax-aloosnaa golayaasha dawladda federaalka KMG ah ee Soomaaliya, isagoo dhinaca kalena sheegay in uu u tanaasulay ummadda Soomaaliyeed ee muddada jaah-wareesanayd, kana daashay is-qabqabsi-dawladeed.

Farmaajo waxaa uu hay?adaha dawladda ka dalbaday in la sii xoojiyo dadaalkii xukuumaddiisu ay ku tallaabsaday dhawrkii bilood ee ay jirtay, waxaana uu dhinaca kale codsaday madaxda dawladda in wax laga baddalo heshiisii Kampla iyadoo la tixgalinayo cabashooyinkii dadweyne ee Muqdisho ka dhacay.

Dhinaca kale M/weynaha dawladda federaalka KMG ah ee Soomaaliya Shariif Sh Axmed ayaa isna u mahad-celiyey R/wasaare Maxamed C/llaahi Farmaajo isagoo ku tilmaamay in uu qaatay go?aan-geesimo shacabka Soomaaliyeedna u horseedi karta midnimo iyo isku duubni waa sida uu hadalka u dhigaye. Sh Shariif ayaa sidoo kale wax-qabad la taaban karo ku tilmaamay tallaabooyinkii xukuumadda Farmaayo ay qaadday muddadii ay jirtay.

Is-casilaadda R/wasaare Farmaajo ayaa timid waqti aad looga walwalsanaa halka ay ku biyo-shuban doonta xaaladda dawladda federaalka KMG ah ee Soomaaliya kaddib markii uu cirka isku shareeray khilaafka u dhaxeeyey madaxda sare ee dawladda, waxaana is-casiladdiisu ay hoosta ka xarriiqday dhaqan-galka heshiiskii Kampala.

Diiwaanka warar
Radio Daljir.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com