HomeUncategorized

Olole lagu Hagaajinayo Bilicda Burtinle oo meel wacan maraya

Somalia, November 12, 2015-(Daljir)_ Mamulka Gobalka Nugaal, kan degmada Burtinle iyo Hay’adda Jidadka (PHA) ayaa bilaabay bur burinta guryaha soo galay wadooyinka magalada, kuwaasoo caqabad ku noqday horumarinta degmada.

DHEGEYSO-Wasiirka arrimahan gudaha oo Galgaduud beelo kuheshiisiinaya.
Dawlada Somaliya oo sheegatey guulo in ay ka gaareen dagaallo ka dhacay Muqdisho shaley. [Akhris …]
DHAGAYSO: Barnaamijkii Saaka iyo Dunida _Arbaco 03

Somalia, November 12, 2015-(Daljir)_ Mamulka Gobalka Nugaal, kan degmada Burtinle iyo Hay’adda Jidadka (PHA) ayaa bilaabay bur burinta guryaha soo galay wadooyinka magalada, kuwaasoo caqabad ku noqday horumarinta degmada.

Howsha baneynta wadooyinka ayaa qayb ka ah Olale bil soconaya oo degmada Burtinle mamulka Gobalka Nugaal ka bilaabay, kuwaasoo hadda qaybtoodii hore lagu guulaystay, waxaana ka mid ah in la bur burimayo xirmooyinka dadku caadeysteen iyo qaaddista canshuurta waajibka ah.

Gudoomiyaha Gobalka Nugaal Cumar Cabdilaahi Farawayne ayaa sheegay inay ka go’an tahay sidii is-badal muuqda Gobalka Nugaal looga dareemi lahaa, sidoo kale waxa uu sheegay Olalahan Burtinle ka bilowday inuu gaari doono degmooyinka kale ee Gobalka Nugaal.

Dhinaca kale duqa Burtinle Maxamed Maxamuud Buurdibi ayaa shacabka ku wacyi galiyay horumarka degmada ka socda inay qaybtooda ka qaataan oo ay u hoggaan samaan amarada mamulka ee la xariira in la baneeyo wadooyinka iyo in horumarka laga shaqeeyo.

 

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: