Koonfur Africa oo lagu xir xiray Somaali

HomeWararka

Koonfur Africa oo lagu xir xiray Somaali

Booliska dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa ay weli ka wadaan qeybo ka mid ah dalkaasi xer xeritaanka dadka Ajaanibta ah, iyada oo saacadihii la soo dhaa

Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay ehelada Marxuum Cali Mahdi (Sawiro)
Qaramada Midoobey oo boggaadisay booqashada Madaxweyne Deni ee Muqdisho
Madaxweynihii hore Hiirshabeele oo sheegay in xafiiska Ra’iisul Wasaaraha isbaaro taalo

Booliska dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa ay weli ka wadaan qeybo ka mid ah dalkaasi xer xeritaanka dadka Ajaanibta ah, iyada oo saacadihii la soo dhaafay ay xireen dad kor u dhaafaya ilaa 600 (Lix Boqol) oo Ruux oo ay Soomaali ku jiraan.

Howlgallada dadka lagu xir xiray ayaa badankood waxaa ay ka dhaceen Johannesburg, kadib markii dhowr jeer ay halkaasi ka dhaceen Rabshao,waxana Ciidamada Rabshadaha ka hor tagga ay xoog ku galeen Goobaha Ganacsi ay leeyihiin Dadka Ajaanibta ah.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Koonfur Afrika Aaron Motsoaledi ayaa sheegay in dadka la xiray ay ku jiraan 487 Ruux oo aan haysan Sharciga Qaxootiga,kuwaas oo isugu jira Soomaali iyo Itoobiyaan iyo 117-kale oo heysta Aqoonsi dal ku jooga ah oo ay Wasaaradda Arrimaha Gudaha aqoonsan tahay.

Howlgalkaan dadka lagu xiray ee dalka Koonfur afrika ayaa waxaa uu saameyn ku yeeshay qaar ka mid ah dadka Soomaaliyeed ee Ganacsi ahaan u tegay dalkaas, iyada oo Goobaha Ganacsi ee qaar la xiray,waxaana horay u jirtay in muwaadiniin Soomaaliyeed dalkaasi loogu geystay falal isugu jira dil iyo in la boobay hantidooda.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: 0