Madaxweynihii hore Hiirshabeele oo sheegay in xafiiska Ra’iisul Wasaaraha isbaaro taalo

HomeWararka

Madaxweynihii hore Hiirshabeele oo sheegay in xafiiska Ra’iisul Wasaaraha isbaaro taalo

Madaxweynihii hore ee Maamulka Hir-Shabeelle Cali Cabdullaahi Coosble ayaa sheegay in Irida Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya Maxamed Xu

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Odayaasha Dhaqanka Galmudug
Xildhibaan Nuur Axmed Diiriye ayaa bogaadiyey qabashada Degmada Ceelbuur
Sahanka Daljir kala soco Daljir

Madaxweynihii hore ee Maamulka Hir-Shabeelle Cali Cabdullaahi Coosble ayaa sheegay in Irida Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ay taallo Isbaaro lacag lagu qaado.

Qoraal uu soo dhigay Bartiisa Facebook ayuu sheegay in qof walba ee doonaya in uu la kulmo Ra’iisul Wasaaraha in laba kamid ah kuwa u qaabilsan protocolka ay dadka weeydiinayaan si loogu balamiyo lacag dhan $ 300 oo Dollar, arrintaasna uu isaga la kulmay.

“Raiisulwasaare Rooble wuxuu noqday raiisulwasaarihii ugu qaalisanaa ee soo mara Soomaaliya. Xafiiskiisa waxaa ka socota howl aan hubo inuusan war u heyn oo ah inaad laaluush bixiso si laguugu gudbiyo. Dacaayad igama aha oo si bareer ah ayaa aniga la ii weydiiyay. Laba ka mid ah kuwa protocolka u qaabilsan ayuu midba si gaar ah ii weydiyay inaan bixiyo lacag 300 dollar ah si la iigu sameeyo ballan official ah ayuu yiri” Cosoble.

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay in uu hubo in arrintaasi uusan Ra’iisul Wasaaraha ka warqabin, isla markaana uu yahay fal laga xumaado,waxaana uu sheegay in sida kaliya ee lagu ogeeysiin karo ay tahay Facebook.

Diwaanka wararka
Warbaahinta Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: