Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Odayaasha Dhaqanka Galmudug

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya, Xassan Sheekh Maxamuud oo uu weheliyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye ayaa kulan la qaatay nabaddoonada iyo odayaasha dhaqanka ee Galmudug.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ka dhageystay odayaasha warbixin guud oo ku saabsan xaaladaha kala gedisan ee deegaanka iyo arrimaha la xiriira dhab-u – heshiisiinta bulshada Galmudug.

Madaxweynaha oo ku bogaadiyay nabaddoonada iyo odayaasha dhaqanka kaalintooda muhiimka ah ee ay ku leeyihiin isu soo dhaweynta ummadda, ayaa ku boorriyey sii wadadidda dadaalkooda, waxa uuna u xaqiijiyey in dowladdiisu ay mudnaan siin doonto dhab-u- heshiisiin waarta oo ka hirgasha guud ahaan Soomaaliya.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com