Qarixii Dowladda Hoose Muqdisho oo Su’aalo badan dadku iska waydiyeen

Qarixii Dowladda Hoose Muqdisho oo Su’aalo badan dadku iska waydiyeen

Su’aalo kala duwan ayaa laga keenay warbixintii shalay Wasaaradda Amniga ka soo saartay kiiska Baaritaanka qaraxii 24-kii bishii July ka dhacay xarunta Gobolka Banaadir.

Warbixinta Wasaaradda Amniga oo lagu sheegay mid hordhac ah ayaa lagu tilmaamay mid aan nuxur laheyn oo aan dhameystirneyn, isla markaana aanay ka jawaabeyn su’aalo muhiim ah.

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ayaa sheegay in loo baahan yahay in la sameeyo gudi madax banaan oo khibrad iyo aqoon lagu soo xulay, isla markaana baaritaano tifaftirana soo sameeya, si looga gungaaro xaqiiqada dhabta ah ee masiibadii ka dhacday xarunta gobolka Banaadir.

Mahad Salaad ayaa sagaal su’aalood ka keenay warbixintii Wasaaradda Amniga, waxaana ka mid ahaa su’aalaha uu soo jeediyay:-

1. Qofka meesha isku qarxiyay oo aan la shaacin magaciisa, shaqada uu hayay, sida uu uga soo gudbay goobaha baarista isagoo sita walxaha qarxa ee sidaas u weyn iyo sida uu ku soo galay goobta shirka?

2. Qofka warbixintu sheegtay inuu is qarxiyay, sidee uga mid noqday madaxda gobolka, muddada uu ka shaqaynayay, habka uu shaqada ku soo galay, cidda shaqaalaysiisay iyo habraaca loo maray shaqaalaysiintiisa?

3. Yaa mas’uul ka ahaa baarista albaabada, maxaa tallaabo ah oo laga qaaday saraakiishii gaboodfalkaas amni sameeyay, immisa qof ayaana loo xiray dhacdadaan naxdinta leh?

4. Maxaa loo damiyay kaamarada ku xirneed hoolka shirarka ee qaraxu ka dhacay kahor intii uusan qaraxu dhicin?

5. Saraakiishii yimid goobta qaraxu ka dhacay maxay ula baxeen xog-kaydiyaalkii Kaamarooyinka ku xirnaa xarunta gobolka (Camera Memory), iyadoo ay joogto hay’adii ku shaqada lahayd ee Dambi Baarista (CID)?

6. Saraakiishii ku fashilmay ilaalinta amniga xarunta gobolka Banaadir sidee loogu aaminay in ay qayb ka noqdaan gudigii baaritaanada sameynayay?

7. Ma dhici kartaa inay jiraan shaqaale ama madax kale oo iyagana ka tirsan argagixisada oo wali ka shaqeeya xarunta gobolka Banaadir diyaarna u ah fulinta falal kuwaan oo kale ah amaba ka sii foolxun?

8. Haddii xaruntii gobolka Banaadir ee amnigeedu aadka u adkaa sidaan loo beegsaday, ma dhici kartaa in xarumaha kale ee dowladda in iyaguna ay dayacan yihiin sida: Madaxtooyada, Golaha Wasiirada, Goleyaasha Barlamaanka iyo Garoonka diyaaradaha?

9. Haddii warbxinta aanay dhammaystirnayn, laba todobaad kadib, goorma ayeey soo dhammaystirmaysaa?

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com