Qaramada Midoobey oo boggaadisay booqashada Madaxweyne Deni ee Muqdisho

HomeWararka

Qaramada Midoobey oo boggaadisay booqashada Madaxweyne Deni ee Muqdisho

Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya UNSOM ayaa boggaadiyay booqashada la filayo inuu dhowaan magaalada Muqdisho ku tago Madaxweynaha Puntland Sac

Xoghayaha Dowlada hoose Dagmada Burtinle oo maanta olalahii nadaafada ka fuliyey xaafada israac
Xulashada Daljir & Cabdixakiin Xuseen Xasan, Daljir Garoowe (dhegayso)
Waxgaradka Saaxo oo Ka Hadlay Colaad Ka Soo Cusboonaatay Deegaamadaasi (dhegayso)

Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya UNSOM ayaa boggaadiyay booqashada la filayo inuu dhowaan magaalada Muqdisho ku tago Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni.

Qoraal kooban oo barta Twitter-ka ee UNSOM lagu qoray ayaa lagu sheegay inay ammaanayaan in Madaxweyne Deni uu booqdo Muqdisho, kuna faraxsan yihiin wafdigii Dowladda Federaalka uga qeyb galay shirkii Wadatashiga Puntland inay arrintan soo dhoweeyaan.

Sidoo kale waxaa qoraalka lagu sheegay inay sugayaan kulanka u dhaxeeya Madaxweyne Deni iyo Madaxweyne Farmaajo, si loo sii hormariyo wada hadalada danaha guud.

Madaxweynaha Puntland Saciid Deni ayaa dhowaan sheegay inuu booqasho ku tagi doono magaalada Muqdisho iyo xarumaha dowlad goboleedyada, si uu ugu gogol xaaro wada hadalo la filayo in Garowe ku yeeshaan Madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada, si looga arrinsado khilaafka labada dhinac.

Dadka odorasa siyaasadda ayaa ku tilmaamay kaalinta uu ciyaarayo Madaxweyne Deni ay tahay tii laga sugayay Madaxda dowladda Federaalka oo dhowr jeer hore Beesha Caalamka ugu baaqday inay bilowdo hannaan ay ku wada hadli karaan dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada oo khilaafkooda heerkii ugu xumaa gaaray.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: