Ciidanka xoogga dalka oo howlgal ku qabtay madaxii Amniyaadka Al-Shabaab

HomeWararka

Ciidanka xoogga dalka oo howlgal ku qabtay madaxii Amniyaadka Al-Shabaab

Wararka ka imaanaya deegaanka Janaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in howlgallo ciidanka xoogga dalka saacadihii la soo dhaafay ka wadee

Wafdi ka socda Soomaaliya oo Shir uga qeyb galay Imaaraadka Carabta
MARTISOOR: Eng. Maxamuud Axmed Xasan ‘Dhegoweyne’ waayaha dalka iyo isbaddalka Geeska Afrika (dhegayso)
Somaliland civil war heats up and RRU General killed in today’s latest action

Wararka ka imaanaya deegaanka Janaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in howlgallo ciidanka xoogga dalka saacadihii la soo dhaafay ka wadeen duleedka Janaale lagu qabtay xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Saraakiisha ciidanka xoogga dalka ayaa xaqiijiyay in howlgalka lagu qabtay Madaxii Amniyaadka Al-Shabaab u qaabilsanaa Gobolka Shabeellaha Hoose oo magaciisa ay ku sheegeen Xasan Suuley oo loo yaqaan Xasan Ganey.

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Jen. Cabdixamiid Maxamed Dirir oo ku sugan deegaanka Janaale ayaa Idaacadda Ciidamada qalabka sida u sheegay in Sarkaalkan lagu soo qabtay, isaga oo ku dhuumaaleysanaya duleedka Janaale.

Sidoo kale Taliyaha ayaa sheegay in haatan ay xoogeysatay wada shaqeynta ciidanka iyo dadka deegaanka, isla markaana ay taas suura gelisay inay ku guuleystaan la wareegida amniga Janaale iyo deegaanada kale ee ku dhow dhow.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Al-Shabaab oo ku saabsan warkan ka soo yeeray Taliska Ciidanka xoogga dalka ee ahaa in madaxii amniyaadka Gobolka Shabeellaha Hoose la qabtay.

Todobaadkii hore ayay aheyd markii ciidanka xoogga dalka ay la wareegeen deegaanka Janaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose, kaddib dagaal dhex maray iyaga iyo Al-Shabaab.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: